WARARKA SOOMAALI

Dowlada oo Digniintii ugu danbeysay u dirtay dadka ku sugan Ceelbuur

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Generaal, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dadka ku harsan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab u diray digniinno culus, wuxuuna faray in ay isaga fogaadaan shacabka goobahaasi, si dagaal culus loogu qaado kooxda.

Caanood ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in mar kale dadka lagu baraarujiyo howlgallada halkaasi ka dhacaya, iyadoo ay dowladdu ka fekerayso bed qabka shacabkeeda goobahaas ku nool, deegaannadaas oo cir iyo dhulba laga weerari doono.

Afhayeenka ayaa si gaar ah ugu digay dadka ku nool deegaannada laga xukumo Galhareeri iyo Ceel-buur, goobahaasi oo ay ka mid yihiin inta u dhexeysa Xiin-dheere, Garab la’ , Ceel qooxle, Wabxo, Ceel Xarar dheere, daba galo iyo Jacar, wuxuuna ku celiyay in ujeedkoodu yahay in waxyeellada laga badbaadiyo dadka iyo Xoolahooda.

Hadalka Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug uu ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Dowlada oo Digniintii ugu danbeysay u dirtay dadka ku sugan Ceelbuur
To Top