WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn cusub ku dilay ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo diyaaradaha Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay Maanta ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana howlgalkaasi khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaarad nooca darone-ka ayaa duqeyn diyaaradeed la beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, War kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay Galgaduud uu u dhacay sidii loogu taga-galay.

Dowladda ayaa sheegtay in Maanta howlgalka lagu dilay 5 dagaalame oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyey goob wayn oo fariisin ku lahaayeen xubnaha oo ku sugnaa deegaan hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud

“Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa  lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn  oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul” ayaa lagu yiri Qoraalka oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Duqeyntan ayaa imaaneysa xilli uu socdo abaabulkii ugu dambeeyay howlgalo la doonayo in Al Shabaab looga saaro bariga gobolka Galgaduud ,gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Mareykanka oo Duqeyn cusub ku dilay ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab
To Top