WARARKA SOOMAALI

Qoorqoor oo ku dhawaaqay in xaalad Deg-deg ah la geliyay Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyay, kadib markii uu khudbad ka jeediyay munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in la hakiyey howlihii caadiga ahaa ee hay’adaha maamulka sida shirarkii iyo wax kasta oo shaqada caadiga ah ka mid ahaa, isagoo tilmaamay in mas’uuliyiinta maamulka oo dhan uu u jaheeyey dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u sheegay dadka kunool deegaannada Al Shabaab heestaan in ay iska yareeyaan cabsida, waxa uuna xusay in uu hadda dhaw yahay nasriga ayna kusoo wajahan yihiin ciidanka qalabka sida oo ka xoreenaya Al Shabaab.

Waxa uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug uga mahad-celiyay madaxweynaha Soomaaliya muhiimada uu siiyay in Al-Shabaab laga xoreeyo Galmudug, waxa uuna dhankiisa xusay in diyaar u yihiin in Galmudug ka sifeeyaan Shabaabka wali ku harsan.

Howlgalka la doonayo in lagu xureeyo deegaannada Galmudug ee ku jira gacanta Al Shabaab ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhigtay magaalada Dhuusomareebn , halkaas uu ka hoggaamin doono howlgalka xoreynta Galgaduud.

Qoorqoor oo ku dhawaaqay in xaalad Deg-deg ah la geliyay Galmudug
To Top