WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo xilal cusub u magacaabay mas’uuliyiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.

1- Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan

2- Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa mar soo noqday Wasiirkii Wasaaradda amniga Xukuumaddii hore ee Ra’iisul Wasaaraha uu ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo xilal cusub u magacaabay mas’uuliyiin
To Top