WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Rasaas weli ka socota Hotelka Villa Rossa iyo Dabley dagaalameysa

Rasaas ayaa wali laga maqlayaa gudaha hoteelka Villa Roosa oo ku yaala meel ku dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar qaraxyo ku bilowday ku gashay hoteelka, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Hoteelka ay daganayeen Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ayaa intooda badan laga soo badbaadiyay.

Wasiirka Amniga Gudaha Doodishe ayaa jabniin kasoo gaaray weerarka lagu qaaday hoteelka kadib markii uu meel kasoo booday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali wax war ah kasoo saarin weerarka lagu qaaday hoteelka Villa Roosa.

Wararkii ugu danbeeyay Rasaas weli ka socota Hotelka Villa Rossa iyo Dabley dagaalameysa
To Top