WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qarax aad u xooggan oo Caawa ka dhacay Muqdisho & Rag hubeysan oo Hotel galay

Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bnaaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhacay Hoteel ku yaalla Aga-gaarka Godka jilacow, oo lagu magacaabo villa Rooss.

Sidoo wararku ayaa intaa ku darayaan in dabley hubeysan ay galeen Hoteelkaasi, inkastoo wali aan la helin faah faahinta rasmiga ah ee qaraxa.

Aagga ay wax ka dhaceen ayaa waxaa ku qul-qulaya Ciidamo aad u farabadan, sidoo kale rasaas ayaa la maqlayaa.

DEG DEG: Qarax aad u xooggan oo Caawa ka dhacay Muqdisho & Rag hubeysan oo Hotel galay
To Top