WARARKA SOOMAALI

Kulan su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Qorsheynta oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS  ee uu hogaaminaayay Wasiirka.

Kulanka waxaa shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Faarax Nuux.

Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa la kulanka  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Mashaariicda ay fuliyeen Hay’adda  mudadii 4-Sanno aheyd ee la soo dhaafay .

Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Wasiiru dowlahaiyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa su’aalo la xariiro shaqada Wasaaradda weydiiyay Xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsaneyd ay Guddiga Maaliyadda ula socodsiiyeen Warbixinadii iyo su’aalihii la weydiiyey.

Kulan su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Qorsheynta oo Maanta ka dhacay Muqdisho
To Top