WARARKA SOOMAALI

Galmudug oo gacanta ku dhigtay Rag Ajaanib ah oo u xirnaa Ururka Al-shabaab

Ciidamada Nabadsugida dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ku qabtay 20 rag oo Ajaanib ah, kuwaasi oo ku jiray gacanta maleeshiyaadka Al-shabaab muddo dhowr sanno ah.

Ragga la qabtay ayaa ahaa kuwo u xirnaa Al-shabaab, iyaga oo markii hore Al-shabaab kala wareegtay kooxo burcad badeed ah raggaas, waxaana muddooyinkii dambe ay ahaayeen kuwo ku jiray gacanta Al-shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in raggaan saaka lagu qabtay xeebta magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, isla markaana gacanta ay ku dhigeen ciidamada Nabadsugida Maamulka,  intaas kadib ayaa lagu xiray Saldhig ciidamada leeyihiin.

Dadkan oo u kala dhashay dalalka Pakistan , Iiraan iyo Bangladesh ayaa waxaa soo fasaxday kooxda Al-Shabaab,  Lama oga sida ay ku timid sii deynta Shabaab ee Ajaanibtan iyo iney ka qaateen lacago madax furasho ah, waxaana haatan ku socoto su’aalo weydiin la xiriirta waxa ay Shabaab u qaban jireen intii ay u xirnaayeen.

 

Galmudug oo gacanta ku dhigtay Rag Ajaanib ah oo u xirnaa Ururka Al-shabaab
To Top