WARARKA SOOMAALI

Rag hubeysan oo fal halis ah ka waday Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa howlgala degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ayaa xalay gudaha degmadaas ku qabtay burcad hubeysan oo dhac u geysanayay dad shacab ah.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada amniga Warta-nabadda ay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo dhac, hubkoodii iyo mooto Bajaaj dhaca lagu geysanayey.

Afhayeen Sadiiq ayaa tilmaamay in burcada lagu qabtay Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid, iyaga oo xilligaas falka geysanayay, wuxuuna intaas kusii daray in mootada ay wateen burcada isla xalay fiidkii dhac ka geysatay Xaafada DAALO ee degmada Howl-wadaag.

“Caawa 26/Nov/2022, abaare 10:00 fiidnimo, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo gesytay” ayuu yiri Afhayeenka.

Gaba-gabadii Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku wargeliyay inay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo kuwa falalka amni darro ka geysta gudaha magaalada.

Rag hubeysan oo fal halis ah ka waday Magaalada Muqdisho oo la qabtay
To Top