WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Kulan ay Maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka Somalia oo la baajiyey & sababta

Kulan Maanta oo Isniin ah lagu waday inay yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaan la baajiyey.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka dowladda ayaa waxaa lagu shaaciyay in la baajiyey kulankii wadajirka ahaa ee Maanta ay yeelan lahaayeen Golaha.

Sababta keentay in la baajiyo kulankii Baarlamaanka ayaa ah xaalad kacsan oo weli ka jirta aaga Xarunta Madaxtooyada Muqdisho, halkaas oo hotel ku yaalla ay ka dhex-dagaalamayaan Al-shabaab.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday Hotelka Rossa oo ay deganyihiin mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale oo ay ku jiraan shacab.

Ugu yaraan 10 ayaa ku dhintay qaraxa lagu weeraray hotelka Rossa, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada ku yaalla Muqdisho, waxaa xusid mudan in hotelka laga soo saaray Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan DFS.

DEG DEG: Kulan ay Maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka Somalia oo la baajiyey & sababta
To Top