WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo culus oo laga maqlay Aadan-yabaal & Ciidamada oo qarka u saaran

Wararka aan ka heleyno degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka laga maqlay jugta qaraxyo miinooyin oo Al-shabaab ku aaseen waddooyinka laga galo degmada.

Ciidamada huwanta ah ee dowladda Federaalka iyo kuwa macwiisleyda ah ayaa Maanta wada howlgalkii ugu danbeeyay oo ay ku qabsanayaan Aadan-yabaal oo sannado badan ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiil ciidan ayaa laga soo xigtay in gebi ahaan degmada ay isaga baxeen Shabaabkii joogay, isla markaana ay ciidamada ku hareereysan yihiin oo wadaan qorshayaal ay ku galayaa degmada.

Shabaab ayaa la tilmaamay inay qaraxyo miinooyin ah ka buuxiyeen waddooyinka muhiimka ah ee laga galo Aadan-yabaal, waxaana ciidamada ay ka cabsi qabaan in waxyeelo kasoo gaarto qaraxyadaas.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen in saaacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmadaasi, dadiii deegaanka ayaa ka barakacay degmada.

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxyo culus oo laga maqlay Aadan-yabaal & Ciidamada oo qarka u saaran
To Top