WARARKA SOOMAALI

Goobo Ganacsi ku yaalla Muqdisho oo la xiray & qorshe Banaanbax oo socda

Qaar kamid ah dadka ku Ganacsada inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Sayidka ee laamiga makka Al Mukarama ayaa saaka xiray Ganacsigooda, iyaga oo qorsheysanaya inay dhigaan banaanbax ay ku cadeeyanayaan sababta ku kaliftay & cabashada ay qabaan.

Ganacsatada ayaa cabasho ka ah xirnaanshaha wadada u dhaxeysa Isgoysyada dabka iyo Sayidka, halkaas oo loo diiday inay maraan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo mootooyinka Bajaajta.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa si horudhac ah u sheegay in markii la xiray wadada ay waayeen dad wax ka iibsada, iyaga oo sheegay in marnaba suurtogal aheyn in ganacsigooda la curyaamiyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Goobahooda Ganacsi ay uga kireysan yihiin lacao farabadan, balse ay la’yihiin macaamiil wax ka iibsata maadaama waddada la xiray, waxana madaxda dowladda ay ugu baaqeen in wadada la furo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ahaa mucaaradka ku eedeyn jiray dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cadullaahi Farmaajo inay dadka waddooyinka ka xiratay, bales isaga oo hadda Madaxweyne ah uu waddooyinka ka xiray dadka.

Goobo Ganacsi ku yaalla Muqdisho oo la xiray & qorshe Banaanbax oo socda
To Top