WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Jabuuti iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa ay ku wajahan yihiin magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaas oo saacadaha soo socda ee Maanta gaari doonaan.

Ujeedka Madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage oo maalmo kahor ka furmay magaalada Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka oo uu ka dhacayo Shirka Afrika iyo Mareykanka ee looga hadlayo arrimaha Ganacsiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalalka Jabuuti iyo Mareykanka waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa shirarka, isaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kusii jeeda Jabuuti iyo ujeedkiisa
To Top