WARARKA SOOMAALI

Howlgalo lagula dagaalamayo Kooxo dhibaato ka wada Muqdisho oo bilowday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhawaan soo saaray amar ku socda Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo lagu amrayay inay bilaabaan howlgalo lagula dagaalamayo Ciyaal weerada iyo burcada.

Habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa degmada Kaxda ee Gobolka ka bilowday howlgalo lagula dagaalamayo burcada hubeysan ee dhaca u geysta dadka iyo kooxda ciyaar weerada ah, isla markaana waxaa lagu soo qab-qabtay dhallinyaro farabadan.

Guddoomiyaha Kaxda Caabdullaahi Sheekh C/raxmaan oo ka warbixiyey ujeedka howlgalka ayaa sheegay in iyaga oo fulinayo amarka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ay howlgalkaas sameeyeen, loogana hortagayey ciyaal weerada & maandooriyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka maamul ahaan la socdaan dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ku hayaan degmada, isla markaana ay wax ka qaban doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay kooxaha hubeysan ee burcada ah ee dhaca u geysta dadka, iyagoona mararka qaarkood dadka iska dila, mana jirto cid wax ka qabatay falalkaas amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Howlgalo lagula dagaalamayo Kooxo dhibaato ka wada Muqdisho oo bilowday
To Top