WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: DF oo shaacisay in Al-shabaab lagala wareegay Deg. Aadan-yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dagaalamayasha Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas oo sanno badan ay ku sugnaayeen.

Degmada istiraatiijiga ah ee Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay in ay ahayd xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolkaas, waxaana gebi ahaan degmada isaga barakacay dadkii ku noolaa.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa horay Al-shabaab uga saaray degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolkaas Shabeellada dhexe, gaar ahaan kuwa ku teedsan dhulka xeebta ah, oo Al-shabaab dhowr sanno iska heysteen.

DEG DEG: DF oo shaacisay in Al-shabaab lagala wareegay Deg. Aadan-yabaal
To Top