WARARKA SOOMAALI

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku qabtay xubno laga shakisan yahay iyo Dad kale

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ay fuliyeen ciidanada Duufaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafaddo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qab-qabtay dad u badan dhallinyaro ku sugnaa guryahooda.

Sidoo kale ciidamada nabadsugida oo u daatay guryo bartilmaameed u ahaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen saddex ruux oo laba kamid ah ay yihiin rag, halka qof kalena ay tahay gabar, kuwaasi oo ay wateen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen howlgalkaasi ee ay ciidamada NISA ku beegsadeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku qabtay xubno laga shakisan yahay iyo Dad kale
To Top