WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho, wxaana jugta qaraxa laga qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka.

Goobjoogayaal la hadlay Horufadhi Media ayaa u sheegay in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aasay, isla markaana waxa uu qaraxaas dhacay, xilli wadada uu marayey gaari Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyey qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah, halka ay jiraan dad kale oo waxyeelo gaartay, waxaana durbadii markii qaraxa kadib goobta si dhaqsi u gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo aaga oo dhan xiray, kadibna furay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga gaar ahaan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan qaraxaas oo dhacay aroortii hore ee saaka.

Weerarkaan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo ka dhacay Muqdisho
To Top