WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn Cirka ku dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida Al-Zawaahiri

Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay Hoggaamiyihii Al-qaacida Ayman Al Zawaahiri, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Mareykanka oo ka soo xigtay warkaan ilo wareedyo kala duwan.

Al-zawaahiri oo da’diisu aheyd 71 sano jor ayaa muddo 11 sano ahaa Hoggaamiyaha Al Qaacida, kaddib dilkii Usaama Bin Laden. Waxaa la rumeysan yahay in duqeyn ay fulisay diyaaradaha Drones ay ka dambeysay dilka Ayman Al Zawaahiri.

Mas’uuliyiinta Taaliban ayaa xaqiijiyey geerida Ayman al-Zawahri, hoggaamiyihii Al-Qaacida, oo lagu dilay weerar ka dhacay Magaalada Kabul ee caasimadda ah.

Afhayeen u hadley Taliban ayaa cambaareeyey weerarka oo ay ku macneeyey inuu ka soo horjeedo heshiiskii Doha ee lagu soo afjarayay weerarada Mareykanka.

Weerarka lagu dilay Al-Zawhri ayaa ka dhacay xaafadda Sherpur ee magaalada Kabul, guriga la duqeeyey oo uu ku jiray hoggaamiyaha Al-Qaacida ayaa ku dhow guriga uu deggan yahay Taliyaha Booliiska Afghanistan.

Mareykanka oo Duqeyn Cirka ku dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida Al-Zawaahiri
To Top