WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bustoolado ayaa Maanta gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dishay mid kamid ahaa Nabaddoonada ugu caansan degmadaas.

Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Aadan Abshir Maaddeey ayaa dilkiisa wuxuu ka dhacay meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska Afgooye xilli uu gurigiisa oo aan ka fogeyn saldhigga uu ku sugayey Mooto uu doonayey inuu raaco.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggii ka dambeeyay dilka Nabaddoonka ay goobta isaga baxsadeen, waxaana meydka goobta ka qaaday Ciidamo katirsan Booliska degmada.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow dilka aan dad loo qaban, waxaana horay degmada Afgooye loogu dilay Nabaddoono iyo dad kale, dilalkaas oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Shabeellaha Hoose
To Top