WARARKA SOOMAALI

Kulan looga hadlaayey Amniga Jubbaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir guddoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto.

Shirkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland, Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS.

Waxaana looga hadlay xaaladda amniga guud ee Jubbaland iyadoo warbixino looga dhageystay Taliyayaasha qaybaha kala duwan ee Ciidanka.

Kulankaan amniga looga hadlayey ayaa waxa uu yimid xilli lamaha amniga Jubbland iyo kuwa Xoogga dalka kordhiyeen howlgalada Ka dhanka ah Al-shabaab kaas oo ay ka fulinayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Kulan looga hadlaayey Amniga Jubbaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo
To Top