WARARKA SOOMAALI

Howlgalo qorsheysan oo laga fuliyey Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay xalay ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Howlgalllada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baarayey guryaha xaafadaha ku yaalla degmadaas, sidoo kale gaadiidka iyo dadka socotada ah.

Saraakiisha Booliska ee qaybta Waliyow Cadde oo howlgalka horkacayey ayaa sheegay inay gacanta lagu soo dhigay tiro dad ah, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmada Waabari oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro ah.

Howlgalo qorsheysan oo laga fuliyey Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir
To Top