WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo socda

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo saaka ka dhacay degaan hoostega degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku warramay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidamada xoogga ay weerar qaadmo ah ku qaadeen Saldhig maleeshiyaadka Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Bukure ee hoostaga Maxaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay oo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalkaan hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiil kale oo Ciidanka qeybta 27-aad ah.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in degaanka Bukure laga maqlayo rasaas goog-goos ah oo ay isdhaafsanayaan Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, isla markaana xiisad milateri ay halkaas ka taagan tahay, maadaama weli la isku hor-fadhiyo.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay dagaalo ku dhex-marayeen Ciidanka dowlad deegaanka ee Soomaali Galbeed iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kalena Gobolkaas ka dhacday duqeyn lala beegsaday Al-shabaab.

DEG DEG: Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo socda
To Top