WARARKA SOOMAALI

Mid kamid ah raggii fuliyey qaraxii lagu dilay Wasiir Lugbuur oo la qabtay

Howlgal saacadihii laso dhaafay laga sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu soo qabtay mid kamid ah raggii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka Maamulka ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah raggii ka dambeeyay qaraxii jimcihii ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay socdaan howlgalo amniga guud ee Baydhabo iyo deegaanada Maamulka lagu xaqiijinayo, waxa uuna rejo ka muujiyay in dhammaan lasoo qabto ragii ka dambeeyay dilka Wasiir Lugbuur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qaraxyada Al-shabaab ka geesanayaan deegaanada Koonfur Galbeed ugu gon leeyihiin in ay indhaha uga jeediyaan howlgalada, iyaga ka dhanka ah ee ka socda Maamulka.

Si kastaba Al-shabaab ayaa qaraxyo ay laba maalin gudahood ka fuliyeen Baydhabo iyo Marka lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo Wasiirkii Wasaaradda Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur.

Mid kamid ah raggii fuliyey qaraxii lagu dilay Wasiir Lugbuur oo la qabtay
To Top