WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafaddaha ku yaalla degmadaas.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen xoghayaha degmada Afgooye Axmed Maxamed Shukri iyo Sarkaal la socday, waxaana  qaraxu ku qabsaday agagaarka Iskuulka Alyasir ee u dhow Isgoysta Taraafikada.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Xoghaye Axmed Maxamed iyo Sarkaalka la socday ku dhaawacmeen qaraxa lala eegtay, waxaana markii dambe goobta tagay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta ka qaaday dhaawacyada labadaasi,

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo khasaaro dhaliyey, Al-shabaab ayaa sheegta mas’uuliyada qaraxyada ka dhaca degmadaas.

 

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
To Top