WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kana hadlay

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo 18-kii September ka geysteen Gobolka Hiiraan  gaar ahaan degaan ku dhow degmada Buulo-burde oo deegaano hoostaga ay ka dhaceen dagaalo.

Qoraal kasoo baxaya Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa degaan ku dhow degmada Buulo-burde, isla markaana duqeynta uu ka dhashay khasaaro.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen, iyagoona intaas kusii daray in howlgalka aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah, sida ay sheegeen.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa Qoraalka uu soo saaray ku xusay in duqeynta laga fuliyey Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ay aheyd Codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeynta ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kooxda Macwiileyda ah ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyey.

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kana hadlay
To Top