WARARKA SOOMAALI

Imaaraadka Carabta oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa usoo magacawday, Axmed Jumca inuu noqdo safiirka u fadhin doona dalka Soomaaliya.

Safiir, Axmed Jumca ayaa ka mid ahaa dhowr safiir oo shalay ka hor dhaartay Madaxweynaha dalkaas Maxamed Bin si ay gutaan howlaha cusub ee loo igmaday.

Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta, Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Ilaah la garab galo shaqadiisa cusub, isagoo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee Imaaratka iyo Soomaaliya.

Safiirka cusub ee imaaraadka Carabta u fadhin doona Soomaaliya ayaa lagu soo wadaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho, isla markaana Warqadihiisa aqoonsiga uu ka guddoomo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya
To Top