WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo Digniin culus u diray dad dhibaato wada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay howlgalo saacado dhowr ah qaatay oo laamaha ammaanka ka sameeyeen gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagula dagaalamayey Ciyaal weerada burcada ah iyo waxybaanaha maanka dooriya, iyadoona howlgalka lagu soo qab-qabtay dad isticmaalayay maandooriyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay Isgoyska Fagax ee Muqdisho ugu tageen dad ka gaacsanayay Calaqa iyo Xashiishka, isla markaana la qabtay, sidoo kalena Ciidamada ay burburiyeen goobihii lagu iibinaayey.

Yuusuf Madaale ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in caasimadda Muqdisho ay  noqoto magaalo Fasahaad ah, wuxuuna intaas kusii daray in Go’aano tallaabooyin looga qaadayo Ciyaal weerada uu Maamulka Gobolka gaari doono.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir oo Digniin culus u diray dad dhibaato wada
To Top