WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Boqorka dalka Urdun?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Binu Xusseen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyey xaalada Soomaaliya iyo isbedellada dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlantahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasilnta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Labada Hoggaamiye ayaa  isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblumaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada ee dhinacyada amniga iyo xasiloonida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya Shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Boqorka dalka Urdun?
To Top