WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Kenya oo Weerar ku dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Booliska dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaaro geystay ku qaaday Saldhig Al-shabaab ah ku  lahaayeen deegaanka Sedahgose oo ka tirsan magaalada Gaarisa.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen saldhiga Al-shabaab ay ku dileen 2 dagaalame oo Shabaab ah, halka noloshada ay ku qabteen xubno kale.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah, sida lagu shaaciyay War Kenya soo saartay.

Kenya ayaa adkeysay amniga xadkeeda, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaaday Shabaab, weeraradaas oo kooxda lagaga qabsaday magaalooyin waaweyn.

Xukuumada Nairobi oo ka feejigan Shabaabka baxsadka ah iney dalkeeda soo galaan ayaa boqolaal askari geysay xadka, iyagoo si joogto ah howlgalo ka dhan ah Shabaab halkaasi uga sameeyo

Wararkii ugu danbeeyay Kenya oo Weerar ku dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
To Top