WARARKA SOOMAALI

Hoobiyeyaal kusoo dhacay meel ku dhow Villa Somalia & Khasaaro ka dhashay

Faah faahino ayaa laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo Maanta kusoo dhacay xaafaddo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madaafiicda ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah iyo burbur gaaray guryo ay deganaayeen dad shacab ah.

Illaa 7 hoobiye ayaa jugtooda laga maqlay degmooyinka Boondheere, Xamarweyne iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, hoobiyeyaasha ayaa si gaar ah ugu dhacay xaafaddaha SYL, EX-Fiyoore iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay dugsi hoose oo ku dhow xarunta degmada Xamar-weyne, isla markaana waxaa ku dhaawacmay labo arday iyo haweeney macmacaan ku iibineysay waddada.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, dhanka kale laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda ka hadlin.

Maalin kahor ayey aheyd markii Rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolkaan Banaadir, waxaana saacado halkaas uu dagaal ka socday la toogtay raggii weerarka soo qaaday.

Hoobiyeyaal kusoo dhacay meel ku dhow Villa Somalia & Khasaaro ka dhashay
To Top