WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Xukuumadda Somalia oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Arrin muhiim ah

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif, ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta.

Shirkaan ayaa waxaa uu ka qabsoomay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Wasiirka Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mustafa Yaasiin Sheekh.

Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qoddobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyadda Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Wafdi ka socday Xukuumadda Somalia oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Arrin muhiim ah
To Top