WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa waxa uu si kulul u naqdiyey falkii Xumaa ee Kitaabka Qur’aanka doraad lagu gubay Dibadbax ka hor dhacay Safaarada Turkiga ku leedahay caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka sheegay hadalkaas kulan ay xubnaha Golaha Xukuumadda shalay ku yeesheen caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Erdoğan ayaa waxa uu Dowladda Sweden u diray fariin Kulul oo uu ku sheegay inaysan ku taageeri doonin Xubinnimadooda Isbahaysiga NATO, maadaama ay ixtiraami waayey Caqiidada Islaamka.

Madaxweyne Erdoğan waxa kale oo uu ka hadlay Falkii lagu gubay Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka, wuxuuna yiri:
” Qur’aanka Kariimka ee uu Ilaahay xafiday, marnaba dhibaatada ma gaarayo Kitaabka Munasalka, xitaa haddii uu gubo mid ka soo harray Saliibiyiinta, Waxaan og nahay in muddo socotay Ololayaasha Saliibiinta Yurub oo ay isbarbar dhigeen Fahamka Iskaamka iyo Turkiga, waana ku han weynahay Isbarbar-dhigaasi” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa xusay in Ficilka xun ee ka dhacay Sweden ee lagu gubay Nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimk tahay Ihaano ka dhan ah Ixtiraamka Xuquuqda iyo Xorriyaadka Asaasiga ee Aadanaha oo ay Muslimiinta ugu weyn tahay

Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka
To Top