WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa dabley hubeysan oo saaka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dishay Nin la sheegay inuu Ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Daahir Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaanay   Daahir-Jugle.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in rag dhallinyaro oo watay Bastoolado ay toogasho ku dileen Ganacsadaha, xilli uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ku taalla degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dableydii weerarkaasi fulisay, inkastoo illaa iyo hadda aan la shaacin cid loo soo qabtay dilka Ganacsadahaasi.

Dilkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qoprsheysan oo loo gaysanayay nabaddoonnada iyo ganacsatada.

Wararkii ugu danbeeyay Ganacsade goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top