WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Koonfur Galbeed oo Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah & Faahfaahinta

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegey deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada iskaashanayey ayaa saaka Al-shabaab ka qabsaday deegaannada kala ah Saydheelow, Buula jadiid, Mataani, uusli iyo Busley oo dhamaantooda ka tirsan Gobolka Baay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay inay ku wajahanyihiin deegaanka Labaatan jirow oo ah Saldhiga ugu weyn ee kooxda Al shabaab ay kuleeyihiin Gobolka, ayna halkaas muddo joogaa.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dib u xoreeynta Deegaannada kooxda Al-shabaab uga sugan yihiin Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Maamulka uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka, ayna la dagaalami doonaan Shabaabka.

Al-shabaab ayaa haatan wajahaya kacdoonkii ugu xooganaa ee ugu imaanaya Ciidanka dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda.

Ciidanka Koonfur Galbeed oo Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah & Faahfaahinta
To Top