WARARKA SOOMAALI

Qatar oo War kulul kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay dhallinyarada

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday Xerada tabbabarrada Ciidanka Xoogga ee Jeneraal dhagga-badan ee Nacnaca kuna taalla Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Qatar ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ugana soo horjeedo waxa ay ugu yeertay falalka argagixisanimada ah, iyadoo aan loo eegin ujeedooyin iyo sababo.

Qatar ayaa uga tacsiyadaysay ehelada dadkii dhibtu soo gaartay, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, waxaana ay u rajeysay inta dhaawacan in Alle uu bogsiiyo inta dhimatayna naxriistii janno ka waraabiyo.

Maalintii shalay ayay ahayd markii  Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhallinyaro qoraneysay ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaaso ka dhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay caasimadda dalka es Muqdisho, dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin weli weerarka.

Qatar oo War kulul kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay dhallinyarada
To Top