WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo sheegtay in Al-shabaab khasaaro xoogan lagu gaarsiiyey Galgaduud

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiramaan Yuusuf Cadaala ayaa ka hadlay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab oo Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Wasiir Cabdiraxmaam Al-cadaala ayaa sheegay in Ciidamada ay afar jiho ka weerareen degaanka Dhisaqa oo shalay laga xoreeyay, isla markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in howlgalka Shabaab looga dilay in ka badan 30 iyo dhaawac 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan, kuwaasi oo uu xusay inay dagaal xoogan la galeen Ciidamada  dowladda iyo kuwa Galmudug.

“Waxaan markale ammaan aad u wayn ujeedinayaa Ciidanka huwanta iyo kuwa Deegaanka, waxay si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxayna u diyaarsan yihiin waajib gudashada xigta Insha allaah” ayuu yiri idaa Wasiir Al-cadaala.

Deegaanada Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka socda kacdoono ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana waxaa dhacay dagaalo culus oo khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyey Shabaabka, sida lasoo weriyey.

Dowladda oo sheegtay in Al-shabaab khasaaro xoogan lagu gaarsiiyey Galgaduud
To Top