WARARKA SOOMAALI

Taliska NISA oo soo saaray Digniin culus oo ku socota shacabka

Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay dagaalamayaasha Al-shabaab.

War Qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitter-ka Taliska NISA ayaa lagu shaaciyay in la qabtay 10 qof, kuwaasi lagu eedeeyay inay si yaabo kala duwan u la macaamileen Al-shabaab, in kastoo aysan faah faahin ka bixin goobaha dadkaas lagu qabtay.

Sidoo kale Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa caddeeyay in tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta ama u adeegta Al-shabaab, iyagoona Digniinta u diray dadka u Garsoorka doonta deegaanka Shabaab.

Taliska NISA oo soo saaray Digniin culus oo ku socota shacabka
To Top