WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir.

Qaraxa oo uu qof isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu beegsaday oo uu isku dhex qarxiyey dhallinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo saf ugu jiray diiwaan-gelin la sheegay in loo sameeynayey.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux oo u badnaa dhallinyaradii la qorayay, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, dhaaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin qaraxii ka dhacay Muqdisho, dhanka kale Al-shabaab warar ay ku qoreen Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Xerada Jeneraal Dhaga-badan, iyagoona tilmaamay dileen 32 kamid ah raggii loo qorayay, halka 40 kalena ay dhaawacameen.

Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho
To Top