WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Waxaa saakay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Macalin Nuur lagu dilay Nin Oday ah kana mid ahaa dadka kunool Xaafadaas, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa toogasho ku dilay Odeyga, xili uu kasoo baxay Masaajid oo kusoo tukaday salaadii subax ee saaka, isagoo u geeriyooday rasaas qeybaha jirka ka hadeeshay.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xaaji Xasan Shiino, waxaana uu kamid ahaa dadka deegaanka xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkaas iyo sababta loo dilay, waxaana dad yaqaanay Marxuumka ay tilmaameen in Ninka Odayga ah ee la dilay ee Xaaji Xasan Shiino uu kamid ahaa Dalaaleyda Dhulka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maalin walba si joogta ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo dadka Shacabka ah iyo kuwa dowladda u shaqeeya, waxaana dilalka inta badan geysta Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac geeysanaya.

Wararkii ugu danbeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho
To Top