WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta ansixinaya Howlgalka ATMIS ee Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Arbaco ah shir ka yeelanayaa howlgalka ATMIS ee dalka Soomaaliya.

Waa howlgalka ka rabo in lagu bedelo howlgalka AMISOM ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, waana howlgal nabad ilaalin oo Midawga Afrika ay Soomaaliya ka bilaabeen sanadkii 2007.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ansixin doonaan howlgalka ATMIS ee dalka, si uu shaqada u bilaabo bishan imika bilanaysa ee April.

ATMIS waa howlgalka ka duwan AMISOM, waa howlgalka ku meel gaar ah ah oo kaliya shaqaynaya hal sanno, waxa ay ciidamada Soomaalida ku wareejinayaan amniga marka uu dhammaado sanadkaasi.

Waajibaadka shaqo ee ATMIS ayaa noqon doona la dagaalanka Al-shabaab, sugidda amniga, horumarinta tayada ciidamada ammaanka iyo taageeridda Nabadda iyo dib u heshiisiinta, sida ay shaaciyeen Golaha Nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta ansixinaya Howlgalka ATMIS ee Somalia
To Top