WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro lagu gaarsiiyey Al-shabaab oo dhacay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Shiila gaduud oo u dhaxeeya deeganka Ceelka baar iyo degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu saaka dhacay deegaankaas oo kuyaalla galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay weerar kuqaadeen deegaanka Shiila Gaduud oo ay fariisin weyn kula haayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Abaandulihii hore ee qeybta 27 aad ee Ciidanka xooga dalka janaraal Saalax Yacquub ayaa sheegay in qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Xubnaha katirsan Al-Shabaab kadib dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay Ciidamada la wareegeen degaanka Shiila Gaduud, isla markaana halkaasi ay ka socdaan baaritaano la xiriira dhinaca Amniga degaanka.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Gobolka Hiiraan ka wadeen holdalls ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal khasaaro lagu gaarsiiyey Al-shabaab oo dhacay
To Top