WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Madax sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu dilay mid ka mid ah madaxda  ugu sareeya Al-shabaab, waxaana howlgalka uu ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu halista dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Madaxa bukaanka ah ee Al-shabaab ee, Axmed Diiriye.

Cabdullaahi Nadiir oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA.

Mareykanka oo Duqeyn ku dilay Madax sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab
To Top