WARARKA SOOMAALI

Dad hor leh oo ku dhintay Duufaan xooggan oo ku dhufatay Mareykanka

TIrada dadka ku dhintay duufaanta la magac baxday lan ee ku dhufatay Gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa sii korortay, waxayna haatan ay tiradaasi maraysaa illaa 51 qof.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli ku jira baadi goobka dadka ku hoos jira goobaha ay duufaantu burburisay, gaar ahaan meelaha ay duufaantu sida xun ugu dhufatay ee ku yaalla dhinaca Koonfur Galbeed ee gobolka Florida.

Duufaantan ayaa ah, mid ka mida duufaanadii ugu awoodda badnaa ee ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ay sababtay inay dhulka la sinto guryo badan oo ku yaalla xeebaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla gobolka Florida..

Gobolka Florida, waxaa haatan bilaa koronto ah In ka badan 800,000 oo guri

Dad hor leh oo ku dhintay Duufaan xooggan oo ku dhufatay Mareykanka
To Top