WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Qaraxyo aad u xooggan oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Labo baabuur oo ah nooca xamuulka qaada ayaa lagusoo waramayaa in lagu weeraray xerada Lama galaay oo ah halka ugu badan oo ay daganyihiin mas’uuliyiinta Gobolka iyo maamulka Hirshabelle.

Waxaana ku taala Madaxtooyada Hirshabelle ee gobolka Hiiraan iyo ciidamada ugu badan ee katirsan dowladda iyo maamulka Hir-shabelle

Isgaarsiinta ayaa meelaha qaar ka maqan, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarka Is-miidaaminta.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxyada ka dhacay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

DEG DEG: Qaraxyo aad u xooggan oo ka dhacay Magaalada Baladweyne
To Top