WARARKA SOOMAALI

Mas’uuliyiin iyo Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyadii Hiiraan

Qaraxyo xooggan oo ahaa Is-miidaamin ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu weeraray xerada lamagalaay oo ku dhex yaallan Xarunta Madaxtooyada iyo tan Maamulka Gobolka.

Qaraxyada oo ahaa kuwo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Dad ka badan 10-qof ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyada ku dhinteen, waxaana dadka dhintay ku jira masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Mas’uuliyiinta qaraxyada ku dhintay waxaa ku jira Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Zakariye Hurre, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Hiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey iyo Xildhibaan Geelle Isaaq iyo saraakiil ciidan.

Xaalada magaalada ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo magaalada kamid ah laga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyadii Is-miidaaminta aheyd ee maanta dhacay.

Mas’uuliyiin iyo Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxyadii Hiiraan
To Top