WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda duleedka Buulo-burte

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan duleedka ah degmada Buulo-burte ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka deegaanka iyo kuwa Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jiciboow oo dhinaca Kuufur ka xigo Buulo-burte ee Hiiraan.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inuu jiro khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, isla markaana waxaa weli socda dagaalka, dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xaalad kacsanaan ah ay jirto deegaanka Jiciboow oo dhinaca Kuufur ka xigo Magaalada Buulo-burte ee Hiiraan.

Si kastaba, muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ka socday dagaalo khasaaro aad u badan dhaliyey, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ah iyo Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo ka socda duleedka Buulo-burte
To Top