WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo dalka ka dhoofay, xilli aan la shaacin ujeedkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shacabka ayaa waxa lagu sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu u dhoofay magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Lama shaacin ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Netherland, waxaana safarkiisa ayaa kusoo beegsamayaa, iyada oo dalka uu ka maqan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo dalka ka dhoofay, xilli aan la shaacin ujeedkiisa
To Top