WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Al-shabaab Digniin culus u dirtay Warbaahinta, kadib Amarkii Dowladda

Al-shabaab ayaa War kulul kasoo saartay Go’aankii shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay baahinta wararka la xiriira Ururka Al-shabaab, iyagoona Shabaabka Digniin culus u dirtay warbaahinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab oo lagu qoray luuqad adag ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in tallaabadan ay ku dhaqaaqday Xukuumadda Soomaaliya ay tahay mid ay ku dooneyso inay ku qariso guuldarradii ay kala kulmeen goobaha dagaalka.

Al-shabaab ayaa warbaahinta uga digtay inay la saftaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana qaataan armada dowladda, iyagoona tilmaamay in si lamid ah dowladda ula dagaalami doonaan cidii dhaqan gelisa amarkii Wasaarada Warfaafinta.

“Waxaan halkan uga digeynaa dhammaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliyeed, kana qayb qaadata duminta Shareecada, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka lagu soo qaaday dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Al-shabaab.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhammaan Warbaahinta Internet-ka ee Website-yada ay isticmaalaan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale qadkii internetka ay ka jartay Xasan Daahir Aweys oo la sheegay inuu si toos ah afkaarta Alshabaab ugu dhex dhaafin jiray baraha bulshada

DEG DEG: Al-shabaab Digniin culus u dirtay Warbaahinta, kadib Amarkii Dowladda
To Top