WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo dib uga qarxay Duleedka Laascaanood

Dagaal u dhexeeya  ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidanka maleeshiyadka Muuse Biixi ayaa maanta oo Axad ah mar kale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno.

Dagaalkan ayaa waxa uu yimid, kadib markii ciidanka Somaliland ay arroornimadii hore ee saaka weerar kusoo qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidanka deegaanka ee SSC, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka cul culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, iyadoona la sheegayo inuu jiro khasaaraha kala duwan oo dhinacyada kala gaaray.

Dagaalkan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo beryihii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay aheyd mid deggan, in kasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa weli suuragalin wadahadalka labada dhinac, iyada oo dadka deegaanka ay shuruud ka dhigeen in marka hore la soo saaro ciidamada Somaliland.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo dib uga qarxay Duleedka Laascaanood
To Top