WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo gaaray Degmada Aadan-yabaal & ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka  ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale  ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo gaaray Degmada Aadan-yabaal & ujeedkiisa
To Top